Shabakadda Al-Qimmah||Golaha U Gargaarayaasha Mujahidiinta
    ÅÊÕá ÈäÇShabakadda Al-Qimmah||Golaha U Gargaarayaasha Mujahidiinta


Bishaaro Farxad U Ah Walaalaha Cusub Ee Al-Qimmah: Sharax Sawiran Ee Ku Saabsan Nidaamka Isticmaalka Shabakada Islaamiga Al-Qimmah  
Cudur daar ma harin:: Sharaxidda barnamijka leeysku qariyo ee Tor + Sawiro + Su'aashaad rabtid soo bandhig  

Isdaaraadka Iyo Bayaanaatka ka Cusub Shabakada Islaamiga Al-Qimmah
  #1  
Duug Ah/old 30th November 2010
(ًYuu$ha€) Wuu Maqanyahay
Moderator/ مشـرف
Alow U Danbi Dhaaf
 
Join Date: May 2010
Posts: 1,745
(ًYuu$ha€) is on a distinguished road
c/waxid khaliif Sheekh C/Raxmaan Abyad oo ku Dhacay Shabaqii Shiicada marba hadduu soo Guurshay in Cumar Binu Khadaab (RC) Tazkiyo Xad Dhaaf ah Siiyey Khaarijigii C/Raxmaan Binu Muljim

Ilaah baa mahad leh. Nabadgelyo iyo naxariis nabi Muxamed korkiisa ha ahaato.
Maqaalkeygii u dambeeyey baan ku sheegay waxa culumada ka sheegeen marka la arko axaadiis daciif ah khaasatan kuwa la been-abuurtay. Waxay oran jireen matniga xaddiiska baa laga garanayaa inaan loo tiirin karin Nabiga (SCW). Axaddiista Mowduucaa waxay dhadhamayaan dhadhan aan fiicneyn. Waxay ka hor imaanayaan Nasuusta (Qur’aanka iyo Sunada), waxaana diidaya caqliga saliimkaa.
Kalmaddeydii codka ee ku jeedday sheekh C/Raxmaan Abyad ayaan ku sheegay in waxa uu Cumar binu Khadaab (RC) u tiirinayo aysan saxiix u ekeyn. Waxaan kalmaddaas codka ah ku sheegay inay u egtahay wax laga been abuurtay khaasatan tazkiyada xad-dhaafka ah ee la yiri wuxuu u jeediyey C/Raxmaan binu Muljim. Waxaan halkaas ka saadaaliyey in si uun la isu keenay Cumar binu Khadaab (RC), Camri binu Caas (RC) iyo Khaarajigii C/Raxmaan binu Muljim Allaha Jahannamo ku fogeeyo. Waa uun shiicadda cidda ka soo horjeeda oo ceebeysa labada saxaabi.
Horta maaddaama arrintu aysan ahayn mid ku taxaluqda Axkaam iyo arrimo noocaas ah; ayaan goostay inaan waqti ku lumin raadraadinta qisada sheekh C/Raxmaan Abyad sheegay. Qof kasta waa ogyahay in arrimo ka dambeeyey qisada oo waaweyn si kala duwan loo dhaho. Tusaale ahaan marka laga hadlayo culuunta qaarkeed sida Naxwaha waxaa la leeyahay waxaa bilaabay Cali binu Abii Daalib. Qaar baa leh Taabici hebel baa bilaabay. Qaar baa leh mayee sheekh hebel baa bilaabay. Marka waxaad helaysaa intaas oo qoraal oo arrintaas laga qoray. Marka waxay ku fiican tahay in sheekh C/Raxmaan la yiraahdo keen meeshaad ka soo akhrisay. Markuu noo keeno baan ka hadlayaa muxuu usoo galiyey arrintaas meesha uu dad kale Khawaarij ku heysto?
Muxuu sheekhu sheekada Cumar Binu Khidaab iyo C/Raxmaan binu Muljim meesha u soo gashay?

Dad baa u qaba inaan ku heysto sheekha muxuu arrin daciif ah ama Shiico qortay meesha u soo gashay! Saas ma aha. Culumo waaweyn baan saan horay u sheegay Tafaasiirtooda, Shuruuxdooda, iyo Kitaabadooda kale waxaa ka buuxa waxyaalo been-abuur ah ooy soo guuriyeen. Dhabcan ma lihi been-abuurka iyagaa sameeyey; ee in badan oo ka mid ah waa soo guursheen. Qaar ka mid ah waxyaalaha noocaas ah xitaa sanad ma leh oo waxay laga wariyaa ummadihii hore. Marka sheekh C/Raxmaan waxaan ku leeyahay adoo rag aad is heysaan raba inaad tiimbaraha Khawaarijnimada ku dhufato maxaad Cumar binu Khidaab (RC) u soo qaadatay? Ileyn Khaliifka waxaa saartay shaabad ah inuu Khaarajigii ugu weynaa tazkiyeeyey?!
Xitaa haddii qisada uu Cumar binu Khidaab (RC) ka sheegay run noqoto (maba noqon doonto Insha Allaahu); weli waxaa laga rabaa muxuu meesha u soo gashay?! Ileyn markaad muxaadaro qabaneysid ama aad wax qoraysid, dan baad leedahay. Waxaad soo daliishaneyso dan baad ka leedahay. Marka muxuu iskugu xiray Cumar binu Khidaab (RC) iyo C/Raxmaan binu Muljim xitaa hadday arrintu dhacday?
Axaaddiis saxiix ah baa haddaad meelaha qaarkood soo galiso lagula yaabayaa oo la iskaa weydiinayaa dantaad u socoto. Kalmad ku jirta Xaddiis saxiix ah haddaad si kale u tiraahdo waxaa dhici karta inaan ku gaaloowdo oo lagugu gaaleysiiyo. Anigu dabeecad uma lihi inaan qoraalladeyda arrimahan khatartaa kaga hadlo laakiin waa muhiim mar mar in dadka si fiican wax loogu caddeeyo ileyn hadda ducaad badan baa khaati laga taagan yahay. Tusaale ahaan adoo ka hadlaya baadiyaha iyo qalafsanaantiisa; ha soo qaadan in Nabiyaashii Ilaahay (CS) ariga raaci jireen. Culumadu waxay leeyihiin qofkii si jeesjees ah u dhaha Nabiga (SCW) ari-raac buu ahaa wuu ku gaaloobayaa. Maxaa yeelay sida loo yiri hadalkaa khalad ah oo laga garanayaa in caay loola jeedo.
Haddii qof yiraahdo in ariga la raaco waa xaaraam markaas waa la dhihi karaa saas ma aha oo in la raaco ariga ceeb ma ah oo la dhaqdo waxaana la hayaa in Nabiyaasha Ilaahay raaceen. Axaadiis baa sheegaysa marka fidnadu badato inay fiican tahay in qofku goosan ari ah ku raacdo miyagaas. Adoo sheekh ah baad hadda ari dhaqan karaa. Dhibtu waxay ka joogtaa saad erayga u tiraahdo. Ma jeesjees mise adoo cilmi ahaan ka hadlaya baad meesha dhigtay? Kalmadda ari-raac waxaa loo isticmaalaa caay ahaan. Marka qofkii kaftankaas iyo foorjadaas la aada Nabiyaasha Ilaahay waa ku gaaloobayaa. Marka danta hadalka loo keenay baa la fiirinayaa.
Teeda kale xigmada Nabiyaasha ariga u soo raaceen culumadu waa caddeysay. Waligay ma arag qof geel la jooga oon ul heysan! Arigu waa daciif oo ul looma qaato. Xitaa marka usha loo qaato waa marka la aruurinayo. Lalamana dhaco usha ee waa lagu bajiyaa. Marka waxaa la leeyahay Nabiyaashu waa ku soo tabobarteen inay arigaa daciifkaa raacaan si ay dadka kala jaadka ah ula xaalaan. Marka iyadoo Axaaddiistaas sugan tahay; markaad ka hadleysid nolasha qallafsan ee miyiga afka yaan lala galin Nabiyaasha Ilaahay.
Nabiyaasha waxaa ku xiga waa dadkii raacay. Nabi Muxamed (SCW) kaddib, dadka noogu mudan waa ehelkiisii iyo saxaabadiisii. Waa in sida loo sharfo Nabiyada si ku xigta loo sharfo saxaabada khaasatan Khulafaa’u Raashidiin. Marka sheekha ma ahayn in Cumar binu Khadaab (RC) uu halkaas soo dhigo. Iska daa hebel baa wariyee; xitaa haddii qisadu run ahaan lahayd lama rabin inaad soo dhigto meel aad dad ku caayeyso Khawaarij!
Markaad dadka tusaysid in Saxaabadu binu Aadam ahaayeen baa la xusi karaa gafafkii ka dhacay si loo arko inaysan Macsuumiin ahayn. Marka kale oo la soo qaato arrimaha saxaabada waa marka muslimiinta kale lagu ceebeeyo waxa iska dhici kara sida inay dhexdooda is dagaalaan. Marka adoon ku talax tagin marka laguu dhib galiyo ama cilmi ahaan aad dadka ugu sheegaysid waad xusi kartaa wixii ka dhexdhacay saxaabada.
Imaamu Bukhaari (RC) saan maqaalkii hore ku sheegay wuxuu ammaanta Cismaan binu Cafaan (RC) u soo qaatay xaddiiskii odaygii reer Masar ee damcay inuu Cismaan binu Cafaan caayo. Imaamu Bukhaari (RC) sida sheekh C/Raxmaan Abyad sawir xun kama bixin Imaamkee laakiin imaamu Bukhaari xaddiiskaas buu ka dhigay mid ammaan ah markii Beecatu Ridwaan Nabigu (SCW) inta labadiisa gacmood mid ka mid ah yiri: waa tan gacantii Cismaan binu Cafaan (RC) dabadeed ku dhuftay midigtiisa sidii isagoo Cismaan beeco la galay. ALLAAHU AKBAR. Waxaa la dhihi karaa beecadii ugu fiicneyd waxaa galay Cismaan ileyn gacanta Nabigaa (SCW) ka sharaf badan tan Abuu Bakar iyo tan Cumar. Marka imaamu Bukhaari Xaddiis oday rabay inuu Cismaan caayo buu ka soo saarayaa ammaan qiimo badan halka sheekh C/Raxmad Abyad la soo istaagay Abuu Xafsa Cumar binu Khidaab (RC) baa tazkiyeeyey Khaarajigii C/Raxmaan binu Muljim.
Maaddaama aan iri hal qiso baa intaas oo qof loo kala tiirin karaa. Marka haddaan gooni u baarto arrinta Cumar (RC) iyo C/Raxmaan binu Muljim waxaa dhici karta in sheekh C/Raxmaan dhaho: tuu soo akhriyey maaha taas. Marka si arrintu u dhib yaraato waxaan sheekha ka rabnnaa tuu soo akhriyey na siiyo. Inkastoona arrintaasi wali dhabogal weyn ku sameyn; sidaan maqaalkii hore ku sheegay Khaliifka Raashid ahaa ee Cumar (RC) wuxuu ahaa Mulham oo Ilaahay baa waxyaalo badan ku ilhaanshay marka waxay u dhowdahay in waxa loo tiirinayo aysan wax ka jirin. Marka markaan helnno sanadka sheekhu hayo baan Insha Allaahu ka soo qorayaa maqaal fiican oon ku difaacayo arrintaas. Aniga xaggeyga waa ka caddahay mas’aladu laakiin sheekha laga rabaa sanadkiisa.
Waxaan ku soo xirayaa haddii qof rabo inuu iska qiseeyo; waxay ku fiican tahay in marka Khulafada Raashidiinta laga hadlayo laga sheego ammaan haddaan xadka laga saareyn. Marka haddii wax aan saxiix ahayn oo aadan sanad sax u ahayn la sheegayo waxay ku fiican tahay in ammaantooda laga hadlo. Haddaad maantoo dhan ka hadleyso geesinamada Cumar (RC) haddaadan xadka ka saareyn wuu u qalmaa. Marka xitaa adoo iska qiseynaya oon wax sanad ah heyn haddana dadku waa fahmayaan mincaha hadalkaaga. Sidoo kale caddaaladdiisa waa laga hadli karaan markaan xadka laga saareyn. Marka haddii la rabo in saxaabi laga sheego waxaan sugneyn waa in arrintu aysan caay iyo xaq-darro ahayn. Marka waxyaalaha aan sanadka lahayn ama aan la hubin ama aanba dhicin ee la isaga dulqaato waxaas baa ka mid ah ee marna caayada iyo been-abuurka saxaabadu kuma jiraan waxyaalaha loo duqaato.
Teeda kale waxaa hadalka sheekha loo fahmayaa in Tazkiyeynta qof Ahlu-kheyr ah noqon karto khalad maaddaama uu yiri ninkii Cumar binu Khadaab sida aadka ah u tazkiyeeyey baa noqday mid ka mid ah dadka kuwa ugu kheyrka daran marba haddii Ibnu Muljim dilay Imaamu Cali binu Abii Daalib (RC)! Waxaa la is dhihi karaa haddii Cumarba (RC) saas ugu gafay tazkiyada; xaggee joogaan dadka kale?
Tazkiyada Cumar (RC) ka sugan waa biyo-kama-dhibcaan. Dadka Cumar (RC) soo dhoweynsan jiray waxaa ku jiray Ibnu Cabbaas (RC), iyo saxaabadii Badar ka qeyb gashay. Weli sanad saxiix ah kuma arag cid Cumar (RC) tazkiyeeyey oon noqon siduu filayey! Cumar (RC) waa ogaa in Nabiga Ilaahay Raxiim ahaa. Wuu ogaa in Waxyi ku soo dagayey Nabiga (SCW) oo wixii khaldama la saxayey. Maaddaama Waxyigii go’ay waxaad mooddaa in Cumar sii adkeeyey dadka uu la tashanayo oo soo dhoweysanayo oo uu tazkiyeynayo. Wuxuu soo reebtay dadkii nukhbada ahaa. Marka ma maqal cid Cumar (RC) tazkiyeeyey oo si kale noqotay. Xaggeyga, qofkii raba inuu diin-xumo ku helo qof Cumar (RC) tazkiyeey wuu ka daran yahay qof raba inuu xaddiis daciif ah ka soo saaro Saxiixu Bukhaariga!
Sheekh Axmed Shaakir wuxuu ku yiri Kitaabka Mustalaxa Xaddiiska (الباعث الحثيث شرح اختصارعلوم الحديث) inuu meesha xaddiiska mowduuca ee la sameeyey soo qaatay tusaale Xaakim ka sheegay Sacad binu Dariif:
فمن أمثلة ذالك ما أسنده الحاكم عن سيف بن عمر التميمي قال: (كنت عند سعد بن طريف، فجاءه ابنه من الكتاب يبكى، فقال: ما لك؟ قال ضربنى المعلم، قال: لأ خزينهم اليوم، حدثنى عكرمة عن ابن عباس مرفوعا: (معلمو صبيانكم شراركم، أقلهم رحمة لليتيم، وأغلطهم على المسكين

وسعد بن ظريف قال فيه ابن معين (لا يحل لأحد أن يروى عنه). وقال ابن حبان (كان يضع الحديث)

Seef binu cumar Al-Tamiimii wuxuu yiri: waxaan agjoogay Sacad binu Dariif dabadeedna waxaa u yimid wiilkiisii oo arday Qur’aan ahaa oo ooyaya, wuxuu ku yiri wiilkii maxaa kugu dhacay? Wuxuu wiilkii yiri waxaa i garaacay macallinkii. (Sacad) wuxuu yiri maantaan hoojinayaa; wuxuu yiri waxaan Xaddiiska ii sheegay Cikrimaha oo ka wariyey Ibnu Cabbaas isagoo koryeelaya: (macallimiinta carruurtiinnu iyagaa idiin ku shar badan, ugu naxariis daran agoonta, uguna ad-adag masaakiinta!).
Xaddiiskaas wuxuu u sameeyey wiilkiisa ooyaya dartiis! Marka sheekh C/Raxmaan isagoo saaxiibbadiis u xanaqaasan inuu Cumar binu Khidaab (RC) waxaas ka sheego uma habbooneyn.
Sidoo kale isla mowduucaas wuxuu Axmed Shaakir soo guuriyey nin la oran jiray Muqaatil binu Suleymaan Al-Balkhiyi oo ka mid ah culumada waaweyn ee Tafsiirka. Wuxuu yiri:
وكما فعل مقاتل بن سليمان البلخي، من كبار العلماء بالتفسسير، فانه كان يتقرب إلى الخلفاء بنحو هذا



حكى أبو عبيد الله وزير المهدي قال: (قال لى المهدي: ألا ترى إلى ما يقول لى هذا – يعنى مقاتلا؟ قال: إذا شئت وضعت لك أحاديث فى العباس؟ قلت لا حاجة فيها

Abuu C/Laahi, wasiirkii Al-Mahdi baa yiri (Al-Mahdi baa igu yiri: miyaadan u jeedin waxa uu kani – Muqaatil – leeyahay? Wuxuu yiri: haddaad rabtid waxaan kuu dajinayaa axaaddiiska ku saabsan Cabbaas? Waxaan ku iri buu yiri: dan kama lihi!
Wuxuu ka wadaa haddii Al-Mahdi ka yeeli lahaa in loo dejiyo axaaddiis been-abuur ah oo ah ammaan Cabbaas (RC) wuu dajin lahaa. Marka waad aragtaan sheekhaas saas aqoonta u leh wuxuu diyaar u ah inuu been-abuur sameeyo.
Marka waa nasiibdarro isagoo sheekhu Muxaadaradiisa u soo qaatay inuu ku difaaco culumo Soomaaliyeed; uu daaqadda kala baxo Khaliifkii Caadilka ahaa ee Cumar binu Khadaab (RC). Yey tahay koow in la difaaco? Ma Amiirul Mu’miniinka mise culumada ka sokeysa? Marka sheekha kama saareyso mu’arikhiintaa saas soo warisay! Sababtu waxay tahay waa la ogyahay waxyaalo aan sugneyn inay ka buuxaan Tafaasiirta, Shuruuxda, Siirada, kitaabada kale ee culumada iyo buugaagta kale. Marka saan horay u sheegay haddii arrintu ammaan iska ahaan lahayd wax weyn ma ahaateen laakiin arrin saas u weyn oo loo tiirinayo Amiirul Mu’miniinta looma dulqaadan karo. Marka waxaa ka sii daran inuu qisada soo dhexdhigo dad uu rabay inuu Khawaarij ku sheego. Marka waxaa iga dagi la’ sababtu uu qisada Cumar (RC) halkaan u keenay. Waan u garaabi lahaa, hadduusan hubin arrinta, inuu si kama’ u keeni lahaa meel uu uga hadlo isagoo tirinaya gafafka Cumar binu Khadaab (RC) ka dhacay. Laakiin meesha uu soo galiyey darteed looguma dhaafi karo arrintaas. Marka waa biyoow ama subag dhashe; ama lulliin dambe la idiin ma celiyo. Marka ama sheekh C/Raxmaan Abyad arrintaas caddee in Cumar binu Khidaab (RC) tazkiyeeyey Khaarijiga C/Raxmaan binu Muljim ama haddee hadda kaddib waa laga fiirsanayaa hadalkiisa.
C/Waaxid C/Laahi Khaliif
cabdulwaxid”hotmail.com
Reply With Quote
Reply


Thread Tools
Display Modes

Posting Rules
You may not post new threads
You may not post replies
You may not post attachments
You may not edit your posts

vB code is On
Smilies are On
[IMG] code is On
HTML code is Off
Forum Jump


Saacada oo Dhan Waa GMT +3. Hadane Saacada Muqdisho waa 11:29.


Disclaimer/Ogaysiin/تنـويـه
بسم الله الرحمن الرحيم


Assalamu alaikum
Alqimmah waa Shabakad islaami ah oo daneysa arimaha Ummadda.
Waxkasta oo lagu qoro Khasab ma aha in uu maamulka Raali ka yahay.
waana shabakad madax banaan oo aan taabacsaneyn Urur gaar ah ama Dowlad,
laakiin waa mid Xaqa Raadisa xili kastaba.
Qof walba oo Muslim ah Xaq ayuu uleeyahay in uu akhristo ama uu wax ku qoro shabakada.
--------------------------------

Alqimmah is islamic network which interests the situation of Islamic ummah
Every thing you post here does not mean that the administration are happy whit it It is a network which does not belong to any organization or government or any other direction Every Muslim has the right to read or post at alqimmah islamic network

--------------------------------

نحب أن نحيط علمكم أن شبكة القمة الإسلامية شبكة مستقلة غير تابعة لأي تنظيم أو حزب أو مؤسسة من حيث الانتماء التنظيمي بل انتمائنا وولائنا التام والمطلق هو لإخواننا الموحدين شرقا وغربا ممن انتهجوا نهج الطائفة المنصورة علما وعملا وخلقا كما أن المواضيع المنشورة من طرف الأعضاء لا تعبر بالضرورة عن توجه الشبكة إذ أن المواضيع لا تخضع للرقابة قبل النشر


Shabakada Islaamiga Alqimmah / Nidaamka © 1433-2012